#Jigjiga_international_stadium ayaa la qorshaynayaa in la bilaabo dhismihisa sanadka soo socda.
Wasiirka dhaqanka iyo isboortiga mudane Kejela Mardasa ayaa wadahadal la yeeshay madaxweynaha deegaanka soomaalida mudane Mustafa Omer iyo wasiirka hawlaha isboortiga deegaanka.Somalida
Intii uu socday wadahadalka, madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanku ka shaqeynayo balaarinta iyo horumarinta isboortiga. Waxay sheegeen in 4 garoon iyo hal xarun dhalinyaro ah ay dhismahooda ka socdaan gobolada.
Waxaa la shaaciyay in la bilaabo dhismaha
garoonka caalamiga ah ee jigjiga stadium oo laqorshaynayo sanadka soo socda.
Mudane Mustefa ayaa sheegay in dadaal loogu jiro sidii loo xoojin lahaa isboortiga deegaanka loona soo saari lahaa koox tartami doonta horyaalka qaranka gaar ahaan premier league mudo gaaban.
Si isboortiga loo ilaaliyo nabadgalyada, waxaa munaasabada isboortiga laga qaban qaabinayaa gobolada bariga Itoobiya ee deriska la ah.
Wasiirka xafiiska dhaqanka iyo isboortiga mudane Kejela Meredasa ayaa sheegay in dhismaha xarumaha ciyaaraha yar yar ee deegaanka soomaalida uu yahay mid wax laga barto.
Waxay garwaaqsadeen in hantida ay sectorku doonayso aanay dawladu kaliya daboolin ee ay tahay in laga shaqeeyo sectorka gaarka ah iyo dadka.
Waxa uu sheegay in la dareen siiyo kor u qaadista dhaqanka iyo fanka oo ah hantida. deegaanka.
Wasiirka horumarinta ciyaaraha Mesfin Chernet ayaa sheegay in deegaanka ay ku noolyihiin dhalinyaro aad u tiro badan cimiladuna ku haboontahay ciyaaraha, waa in tababar la siiyo si loo soo saaro ciyaaryahano tartamaya oo guulaysta dal iyo caalamba.
Wuxuu yiri si loo xaliyo dhibaatada maamulka ciyaaraha waa inaan qeybteena ka qaadanaa dhisida garoon marti galin kara tartamada
Wuxuu yiri si loo xaliyo dhibaatada maamulka ciyaaraha waa inaan qeybteena ka qaadanaa dhisida garoon marti galin kara tartamada qaaradaha iyo caalamka.
Waxaa intaa dheer in xaflada isboortiga ee deegaanku qorshaysan yahay uu deegaanku u qaban qaabinayo gobolada bariga itoobiya si loo xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya shacabka bariga itoobiya.