Ogow in hawlo badan aad qabsan karto xilliga aad gaadiidka dadweynaha saaran tahay ama u kala socoto meelaha kala duwan (Haddii aanad adigu wadin gaadiidka), sida oo kala xilliyada aad sugayso ballamaha iyo Bilowga shirarka iyo kulamada. Ha yaraysan waqtiyadan, farriin muhiim ah oo Email ama WhatsApp kuugu timid ayaad ka jawaabi kartaa, halkii aad ku mashquuli lahayd in aad Facebook iyo baraha kale ee bulshada waqti ku lumiso. Buug ama
#hive #trending #hot
daraasaad kale ayaa aad akhriyi kartaa.
Ma ogtahay qofka xawaaraha akhriskiisu dhexdhexaadka yahay in uu daqiiqaddii akhriyi karo 250 illaa 300 oo erey, taas macnaheedu waa in uu daqiiqad kasta hal bog akhriyi karo. Ka soo qaad qof aad la ballansanayd ama bilow shir iyo xaflad aad u socotay oo aad 30 daqiiqo sugaysay, waxa aad akhiriyi kartaa 30 bog oo buug ka mid ah ama warbixin iyo daraasad dhammaystiran.