In buuggaag tiro badan aad ku kaydsato rugtaada gaarka ahi waxa ay leedahay faa’idooyin dhinacyo badan, xitaa haddii aanay suurtagal kuu ahayn in aa dhammaantood wada akhrido ama aad tahayba dadka aan marka horeba akhriska aad ugu fiicnayn. Umberto Eco, qoraa Talyaani ah oo caan ahaa ayaa mar uu xisaabiyey, waxa uu sheegay in qofku uu noloshiisa oo dhan akhriyi
Dadka oo dhami waxa ay haystaan waqti isku mid ah, sannadkoodu waa 365 maalmood, maalin kastaana waa 24 saacadood, laakiin waxa ay ku kala tagaan sida ay uga faa’idaystaan waqtiga iyo sida ay hawlahooda mudnaanta u kala siiyaan.
Maaraynta waqtiga, iyo in waqtiga ugu yar hawsha ugu badan la qabtaa, waxa ay ka mid tahay sababaha waxsoosaarka qofka kordhiya, himiladiisa gaadhitaankeedana ka caawiya.
#parama #hive #trending