Sawirada : Wasarada deegaanka iyo isbedelka cimilada gobolka Awdal ayaa maanta qabatay munaasibad balaadhan oo lagu xusaayo maalinta dhirbeerista Somaliland oo ku beegan 15 April.
Munasibadani oo ka dhacday xarunta wasarada degaanka ayaa waxa kasoo-qayb galay gudoomiyaha gobolka Awdal, Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro), qaarkamida isuduweyaasha wasaradaha laamaha dawlada gobolka, masuliyiin kasocday degmooyinka gobolka Awdal iyo xubno katirsan jamacadaha magalada Borama
Waxaan ku faraxsanahay in dhirtaa la beero wayo waxaa ay ka qayb qaadatadaa qurxinta deeganka iyo bilicda wanaagsan
Ka tali quruxda deegaanka aad iyo aad ayay umahadsan yihiin dhalinyarada is xilqaaday